Kooxda Chelsea ayaa sheegtay in N’Golo Kante uu ciyaaraha ka sii maqnaan doono saddex toddobaad oo dheeri ah ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray ciyaar uu dalkiisa u dheelayay

Guuguule(Hargeysa)_Lix iyo labaatan jirkan ayaa isaga oo dhutinaya ka baxay ciyaartii ay Faransiisku hal iyo eberka kaga badiyeen Bulgaria toddobaadkii hore, wuxuuna ciyaaraha ka sii maqnaan doonaa tan iyo bisha soo socota.

Tababaraha Chelsea, Antonio Conte ayaa sheegay in ciyaartoygan khadka dhexe ka dheela uu u baahan doono baaritaan caafimaad.

Danny Drinkwater oo isna Chelsea uga dheela difaaca “ayaa si wanaagsan u soo kabanaya”ka dib markii uu dhaawac soo gaaray, balse wali uma diyaarsana in uu ciyaaro.

Tababare Conte waxaa u soo kabtay ciyaaryahan Alvaro Morata oo ay u badan tahay in uu ka qaybqaato ciyaarta ay Roma la yeelanayaan Arbacada.

Ciyaaryahankan horay ugu soo dheeli jiray Real Madrid ayaa ku muruq go’ay ciyaartii 1-0ka lagaga badiyay ee Manchester City la yeesheen fasixii ciyaaraha caalamiga ah ka hor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.