Author Archives: Guuguule News

Muuse Biix oo Ku Guulaystay Madaxweynaha Somaliland Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen Sadexda Xisbi Qaran

Hargeysa(Guuguulenews)_Tirada Codadka ay kala heleen Sadexda Xisbi Qaran ee Natiijadeeda ay komishanku ku dhawaaqeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo hadda ku dhawaaqay natiijada doorashadii Madaxtooyada ka dhacday dalka, ayaa shaaciyey inuu ku guulaystay Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo noqday Madaxweynaha shanaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.  Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka hka hadlayey madal Guddigu kaga dhawaaqday ...

Read More »

Madaxweynaha Zimbabwe Mugabe Oo Loo Qabtay Muddo Saacado Ah Oo Uu Isku Casilo

Zimbabwe(Guuguulenews)_Madaxweynaha Zimbabwe ee cadaadiska badan saaranyahay Robert Mugabe ayaa loo qabtay galinka dambe ee maanta in uu xilka kaga dego, haddii kale baarlamaanka uu u qaadi doono codka kalsoonida. Xisbiga talada haya ee ZANU-PF ayaa xilkii guddoomiyenimada ka qaaday Mugabe maalin ka hor. Waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay ayaa ah 12:00 duhurnimo xiliga Zimbabwe, wixii markaas ka dambeeyana ...

Read More »

Maxkamadda Ugu Sarreysa Kenya Oo Ansixisay Guushii Kenyatta

Kenya(Guuguulenews)_Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa tuurtay dacwad ka dhan ahayd dib u soo doorashada madaxweyne Uhuru Kenyatta bishii la soo dhaafay. Lixda garsoore ee dhageysanayay dacwaddan ayaa isku raacay laalida guusha Kenyatta iyagoo meesha ka saaray eedaymaha la soo jeediyay. Guddoomiyaha garsoorayaasha David Maraaga ayaa sheegay in garsoorayaasha ay 21 bari gudhaood ku bixin doonaan faahfaahin ku aadan sababta ...

Read More »

Tirinta Codadka Doorashada Somaliland Oo socota

Hargeysa(Guuguule)_Tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashada madaxweyne ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa billaabatay. Somaliland oo sheegtay in ay Soomaaliya ka go’day ,sanadkii 1991, ayaa fileyso in doorashadan ay xoojiso ololaha ay ku doonayaan in lagu aqoonsado in ay dal madaxbannaan yihiin. Xarumaha codeynta oo la furay saaka 6-dii aroornimo ayaa la xiray 6-dii maqribnimo. Dadka qaar ...

Read More »

Shan Arrimood Oo Ku Saabsan Doorashada Somaliland

Ka hortagga isdaba marinta Hargeysa(Guuguulenews)_Somaliland waxay noqoneysaa meesha ugu horeysay caalamka ee doorashadeeda lagu qabto qalab electronic ah oo wejiga iyo indhaha aqoonsanaya oo lagu magacaabo iris, sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashada, Saciid Cali Muse. Waxay gacan ka geysaneysaa in lala dagaallamo wax isdaba marinta, iyo in Somaliland ay xaqiijiso in ay qabato doorashadii ugu daahfurnayd qaaradda Afrika. Qiyaastii ...

Read More »

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay Ka Dib Safar Hal Maalin Ah Uu Ku Tagay Itoobiya Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay Kulamo Uu La Qaatay Ra’isal Wasaaraha Dalkaasi

Hargeysa(Guuguulenews)_Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayey ayaa galabta ku soo laabtay caasimada dalka Hargeysa, ka dib safar shaqo oo ay shalay gelinkii danbe ku tageen dalka Itoobiya. Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa ayaa Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa kulan kula yeeshay Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo wasiirka arrimaha dibadda Itooobiya Dr. Workneh Gebeyehu. ...

Read More »