Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa si aan wacneen kusoo bilowday xilli ciyaareedkaan 2017/2018, wuxuuna ka dhaxlay inuu dhalaaceyn kala kulmo falanqeeyaha heerka caalami ee Gary Lineker kaas oo sidoo kale ah xidig horay usoo maray kooxda Barcelona.

Gary Lineker oo aad loogu yaqaano doorkiisa saarenimo ee barnaamijka Match of the Day ayaa ku tilmaamay xidiga Real Madrid mid laga badbadiyay, inkastoo hadalkaas uu ka jawaabay tababare Zinedine Zidane.

“Dhaleeceynta ka timid xidig hore kaas oo noqday saxafi, waa qaar ka mid ah dadka la wadaaga dadka naceybkooda, waan ka xumahay daacadii” ayuu yiri Karim Benzema oo wareysi siinayay Les Inrockuptibles.

“Waxey khibrad u heystan xaaladaan oo kale, balse ma lahan kalsooni” ayuu yiri Benzema.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.