Wasiirka Wasaarada Shaqo-gelinta Arimaha, Bulshada iyo Qoyska JSM Qaabkee Ugu Adeegtaa Hawlaha Qaranka u igmadey Madaxweynaha JSM Mudane Muuse Biixi Cabdi?.

Qaybtii 2aad: Maxsuulkii Nooga Soo Baxay Horumarka Wasaarada ka Samaysa Wasiir Hinda Gaani (Somaliland Youth Educators)

Political Research Committee.

Gudidda Dhalinyarada Aqoon Yahanada (Somaliland Youth Educators)  Oo Wada Qiimayn Wasaaradaha Dalka uguna Horeysiiyey Wasaarada Shaqo Gelinta Arimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland oo saxafada uso bandhigey wax qabadka Fiican qaybtii 2aad.

NB:

Waxa naga reeban Urur ahaan inaan ku qiimayno masuuliyiinta qaranka nidaam qabiil, qof jeclaysi, eex iwm.

Barnaamujyada

  1. Ciid sii Oo ka Farxi Ubadka yar yar ee agoonta iyo darbi jiifta.
  2. La Afur Dadkaaga Danyarta
  3. Ku Afuri wadooyinka Dadka dhimirka ka xanuusanaya bisha Ramadaan maalinki markaanay hoteladu shaqaynayn.

Barnaamujiyadani waa waxay soo kordhisay wasiirku mudadii ay joogtay waana waajib qaran oo ah waxii loo igmadey allena garansiiyey xasanaad badanina ku jiro.

Wasaaradani waxaay qaranka wakiil uga tahay u adeegida bulshadena Somaliland qaybaheeda kala duwan meel kastooy ahaato taasina waxa ugu fiican cidda leh naxariis qofnimo karti iyo dedaal mar walba ah.

Waxaan halkaa mudadii aan ku dhex jirnay political research baxdiga wasaaradaha ku samaynayno ku soo aragnay waxqabad dhab ah iyo dad u heelan inay ka midho dhaliyaan masuuliyada qaranka u hayaan.

Waa meel dhamaan qaybaha ama waaxaha wasaaradu furan yihiin subixi goor hore iyagoo gudanaaya waajibaadkooda shaqo.

Wasiirku waa shaqsiga u horeeya ee yimaada wasaarada maalin walba intay dalka ku sugan tahay, mudadii aan hawsha wadney anagoo is leh waxaad tihiin cidii ugu soo horeysay Wasaarada hadana wasiirka waxaan mar walba ugu imanaynay iyadoo xafiiskeeda joogta waxa ka danbeeya Salaada subaxa waad ugu imanaysaa wasiirka xafiiskeeda ay qaranka ugu adeegayso

Waana talaabo ku dayasho mudan laguna amaano cid kasta oo daacad ka ah horumarka dalka iyo qabashada waajibadka hawlaha shaqada ee wasaaradaha uu Madaxweynaha Jamuhuriyada Somaliland u wakiishay.

Habka ugu fiican ee umadi ama wadan ku horumaraa waa hadba uwar haynt maamulkiisu ka war hayo bulshada qaybaheeda kala duwan waana mid uu madaxwenaheenu u Balan qaaday inuu ahmiyada koobaad siinayo

Sidaa awgeed:

Wasaarada Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska waxay door muhiima ugu fadhidaa Qaranka Jamuhuriyada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isagoo u igmaday ciddii ugu habooneyd wasaaradaasi.

La soco Qaybaha Danbe

(Somaliland Youth Educator)

Political Research Committee 

Hargeisa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.