Wasiirka wasaarada Deegaanka Marwo:Shugri ismaaciil Baandare Ayaa Warbixin siisay Mudanayaasha Guddida Joogtada Ee Golaha Guurtida Somaliland.

(Guuguuulenews)-Wasiirka wasaarada Deegaanka Marwo:Shugri ismaaciil Baandare Ayaa Warbixin siisay Mudanayaasha Guddida Joogtada Ee Golaha Guurtida Somaliland.

Wasiirka wasaarada Deegaanka Somaliland shugri ismaaciil Baandare oo mudanayaasha guddida Joogtada Ee golaha Guurtida uga warbiinaysay arrimaha deegaanka iyo sidii loo horumarin laha deegaankeena ,ayaawaxay arbixinteeda ku bilowday sidan:

(Ilaahay ayaa mahadleh marka hore aad ayaan idiinku mahadcelinayaa marka hore mudanayaal in aad maanta fursad na siiseen in ka wasaarada ahaan in aanu halkani kaga warbiino wixii noo qabsoomay iyo wixii aanu damacsan nahay in aanu qabano haddii Allah yidhaahdo .

Sida aad wado ogsoon tihiinba ka wasaarada ahaanba waxaa wasaaradani xilkeedu yahay waa daryeelka deegaanka iyo horumarinta reermiiga weeyaan,daryelka deegaanka marka aanu ka hadlayno waxaa weeyaan waxyaabo farobadan ayaa hoos yimaada waa baddii ,waa berigii ,waa Buurihii ,waa banaankii ,waa hawadii waxkastoo deegaan aynu nidhaahno ,waa waxkastoo ummadda reer Somaliland aynu munaafacsano oo waliba khayraadka dabiiciga ah (Natural resourse) aynu si xoog leh umunaafacsano waxaana xusid mudan wasaaradan waxaan joogay muddo shan sanno ah ,shantaasi sanadood ee wasaaradani dhisan tahay ee aan anigu joogay waxaan isleenahay waxyaabo faro badan ayaad ka qabateen halkii ay joogtay waxaanu isleenahay kor ayaad uga soo qaadeen oo wasaaradni meel wanaagsan ayey maraysaa ,lambar shaqadayada ugu weyni waxa weeyaan side deegaanka aynu u fahansiinaa deegaanku waa uu yahay side loo daryeelayaa khayraadka aynu haysano.

Waxaanu ku dadaalay sidii dadka aynu u acyigalin lahayn oo toddobaadle ah taasi oo aanu ka wacyigalino dadka marba xaalku siduu yahay ama dhibaatadu siday tahay ,waxaanu ku shaqaynaa waa shuruuc,shuruucdana idinkaa dajiya haddii aad baarlamaanka tihin oo shuruucdaasi ayaanu ku shaqaynaa oo shuruucdaa la-aantood ax alaale wax aanu qaban karaynaa ma jirto .

Shuruucda ilaa hadda no hirgalay waa afar sharci ,shuruucdaasi waxaa ka mid aha sharciga  kaymaha iyo duur Joogta deegaanka oo isagu si rasmi ah u dhawan galay ,sharciguu guud ee degaanka oo aad ansixiseen oo idin soo dhaafay,sharciga maareynta qashinka deegaanka ,waxaa kale oo aanu samaynay waa qorshihi aanu ku soconaynay shanta sanno oo iyadana aanu dajinay ooo wasaaraduna ku shaqayn lahayd iyo siyaasadii qaran ee guud oo iyaduna noo dhammaatay oo hortaala golaha wasiirada Somaliland oo iyadan aanu rajaynayno in la noo ansixiyo .

Intaasi oo dhan kaabayaashoodii oo dhan way dhisan yihiin ,marka aad kala qaado shaqooyinkayaga kua ugu mudan markaanu ka hadalo waa xaalufka iyo nabaad guurka ,bal side loo ilaalinayaa xaalufka yo nabaadguurka oo ay maanta ku salaysan tahay cimiladii oo isbadashay iyo aduunyadii oo diirtay oo kululaatay labadaasi waxay inagu keentay inaga isbadal weyn iyadooinagu keentay abaaro ,waxay inagu keentay roobab duufaano wafa waxay inagu keentay xaaluf ba-an .

Hadaba side wasaaradayadu uga howlgashay saameyntaa cimiladu inagu keentay ,ka wasaarad ahaan waxaanu uga howlgalnay cimiladaa kululaatay wixii lagu baxsan lahaa ama aanu ogaano maxaa lagu baxsan karayaa ama aanu ogaano maxaa lagu baxsan karayaa dhul daaqsimeed ,in aanu ilaalino dhul daaqsimeedkii in aan la qaadan in aan lagu soo durkin in aanu qofku hantiuu leeyahay ka dhigan taasi kow ayey noo noqotay oowaanu ku guulaysanay dhul daaqsimeedka waxaanu xooga saarnay in aan seerayaasha la qaadan ,bishan aynu soo dhaafnay waaxaa laga shaqaynaayey daarasalaam oo ka tirsan gobolka maroodi jeex iyo saba wanaag labadaba axaa laga shaqaynaayey dhulkii la iska idhay oo la banaynaayo ayey ahaayeen ,ugu yaraan konton kilomitir ayaanu ka banaynay daarasalaam ,iyadoo ramadaanka ka dibna laaseel aanu ka bilaabi doono .

Markaad eegto dhulkaa ay dadku iska xidheen haddii aany ku soo noqon gacanta dowlada maalinta dambe waa la waayayaa meel uu neef xooloahi istaago arrintaasi aanu ka howlgalnay oo si weyn ayaanu u wadnaa deegaameynta xad dhaafkaah iyo biyaha  meel kasta laga qodanaayo baraagaha waanu ka howlgalnay markaasi waxaanu xooga saarnay in aanu ilaalino nabaadguurkeeda iyo deegaameynteedaba .

Aafada aanu ka hortagaynaa waxaa eeyaan ee istaasi noogu xigta aa sidii loo badbaadin lahaa dhitiioo sida mudanayaalaad la socotaanba qiimaha dhirtu inoo leedahay waa sambabadii aynu ku neefsanaynay waxyaabahan hadda laga cabanaayo waa cimiladan aduunkaee kululaanayso waxa eeyaan carbon kii ilaahay dhula dhiagay e hawadeena inoogu jiray oo intii uu ahaa ka sii badtay iyo warshadihii oo batay  iyo wax alaale axkastoo Bani aadamku isticmaalayaan oo ay noloshooda uguhorumarinayaan ayaa badashay oo kaarboonki kor u qaaday ,kaarboonkaasi kor u qaadmay uu dib inoogu soo noqday ka dib markii aynu dhirta xaalufinay).

Diyaarinta-caydaruus cismaan(Mr-AyuubI).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.