Suldaan Maxamed Suldaan Abdiqadir Waa Suldaanka Salaadiinta Reer Somaliland Go’aankiisana Waanu Taageersanahay Dhalinyarada Beelaha Garxajis, Arab iyo Ayuub,

somaliland waxay ku dhisan tahay talo qaran oo ka soo go’dey Salaadiinta, Cuqaasha iyo wax garadka.
Suldaan Maxamed Suldaan cabdiqadir waa hal-doorka ay ku dhisan tahay Somaliland waana (Suldaanka salaadiinta Somaliland).

Anagoo ka kooban dhalinyarada Beelaha Garxajis, Arab iyo Ayuub waxaaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu Suldaan Maxamed ku taageersanahy dhamaanba Amaradii kasoo baxay kadib markaanu u kuur -galnay in dawladu ku lug leedahay dagaalkii ka dhacay Darar-weyne ee Gobolka Sanaag.
Dagaalka kadibna Gaadhi hub ah lagu qabtey Burco kuna lug leeyihiin Masuuuliyiin ka mid ah xukumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
kuna cadahay taasina ay ka mid tahay wax-yaabihii uu hore usi sheegay suldaanku.

Suldaan Maxamed waa shaqsi ku sifoobay wanaag, Nabad iyo Dad jacayl waana Suldaan ay u Siman yihiin Beelaha reer Somaliland.

Waxa wax lago xumaado ah in qabyaaladii uu Madaxweyne Muuse Biixi sheegay inuu tirtiraayo uu ku dhaqmey marku kala xigtaystay sladiinta.
Isagoo aan ognahay inuu suldaan Xasan burco kaga hadlay Mar iyo labo ba kala qaybinta beelaha Somaliland kana hadlo Jeegaan umanaad jawaabin madaxweyne suldaankaaga marku qabyaalada qaawan saxaafada kaga hor hadlaayo Jeegaan anagu waxaanu u aamin sanahay inay tahy Cunfi iyo kla qaybin isagoo cudurkaa jeegaanta loola baxay laba reerna ku heshiiyeen dadka intii klena laga maarmay loona cadeeyey inaan loo baahneyn.

Anagu anagoo ka kooban dhalin yarada Aqoon yahanka beelaha Garxajis, Arab iyo Ayuub waxaanu mar labaad cadaynaynaa oo aan usoo saarnay baaqayagan aan ku midaysanahay inaan Garabkiisa Taaganahay Suldaankayga Guud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqadir.
Alle cimriga iyo cafimaadka ha u barakeeye.
una daba fadhiisnayno waxii talo ah diyaarna u nahay go’aan kasta oo kaso baxo.
Khaasatan dhalin yaro ahaan kana kooban 4 tan beelood waxaanu dhawaan soo saarayna Magac aan ka midaysanahay.

Madaxweyne Muuse na wxanu u sheegayna waxaad tahay waxaad tahay madaweynaha qarankan oo dhan ee dhex ha ku noqdaan Salaadiintu Somaliland mana wanaagsana kala xigtaysiga in midna laga aamuso khaladkiisa midna Media aha loo Mariyo jawaabo kala duwan.

WABILAAHI TAWFIIQ
WAXA SOO WADA SAARAY DHALINYARADA
AQOON YAHANADA BEELAHA
GAR-XAJIS, ARAB IYO AYUUB

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.