Sucuudiga Miyuu Bartilmaameedsanayaa Dadkii U Dooday Jamaal Khaashuqji?

(Guuguulenews)-Sucuudiga Miyuu Bartilmaameedsanayaa Dadkii U Dooday Jamaal Khaashuqji?

Mr Bezos

Baaraha matalaya milkiilaha shirkada Amazon Jeff Bezos ayaa sheegay in Sucuudi Carabiya ay u dhacday teleefanka Mr Bezon ayna galaangal u yeelatay xoggihiisa khaaska ah.

Gavin de Becker ayaa baaritaankaan waxaa u igmaday Mr Bezos si uu usoo ogaado sida fariimihiisa khaaska ah loogu dusiyay wargeyska National Enquirer tabloid.

Mr de Becker ayaa la xiriiriyay jabsashada fariimaha gaarka ah ee Jeff Bezon tabintii wargeyska Washington ee dilkii weriye Jamal Khashogji, kaasi oo lagu dilay qunsuliyada Sucuudigu ku leeyahay Istanbul.

Dowladda Sucuudi Carabiya ayaana wali ka hadlin eedeymahaan loo soo jeediyay. Mr Bezon ayaa sidoo kale ah milkiilaha wargeyska Washington Post.

Mr de Becker ayaa sheegay inuu ku wareejiyay macluumaadka uu soo aruuriyay saraakiisha federaalka ee dowladda Mareykanka.

“Baarayaasheena iyo tiro kale oo khubarro ah ayaa soo gebagebeeyay warbixino lagu kalsoon yahay oo ah in Sucuuudigu uu galaangal ku yeeshay telefanka Bezos, ayna ka heleen warbixino khaas ah,” ayuu ku yiri warbixin uu ku daabacay y bogga Daily Beast.

Jamaal Khaashuqji

Xoggaha uu soo aruuriyay Mr de Becker ayaa imaaneyso kadib markii Mr Bezos uu ku eedeeyay bishii Februay shirkadda warbaahinta ee Mareykanka laga leeyahay ee (AMI) inay sumcad dil ku sameysay, isaga oo sheegay inay ugu hanjabtay inay daabaceyso sawiradiisa khaaska ah haddii uusan sheegin in warbixinada laga qoray ay yihiin kuwa aan siyaasad ku shaqo lahayn.

Wargeyska The National Enquirer ayaa daabacay bishii January eedeymo ah in madaxa Amazon uu ku lug lahaa arrimo sir ah oo hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.