MASUULIYIINTA DAWLADDA HOOSE EE HARGAYSA OO DANO GAAR AH UGA FAA’IIDAYSTAY DHUL WASAARADDA WAXBARASHUDU UGU DEEQDAY IN LAGA DHISO XARUN DAB-DEMIS

Madaxda dawladda Hoose ee caasimada Somaaliland ee Hargaysa ayaa horaantii sannadkan ka codsaday masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska dhul uu leeyahay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali, dhulkaasi oo sida ay codsigooda ku sheegeen u doonayeen in ay ka dhisi doonaan xarun cusub oo uu yeelan doono ciidanka dab-demiska Somaliland ee xaafada Maxamuud Haybe, si loogu dhaweeyo adeegaasi bulshada ku dhaqan degmada Maxamuud Haybe ee magaalada hargaysa. Wasaarada waxbarashadda iyo Sayniska ayaa codsigaasi u aragtay mid muhiim ah oo bulshada wax badan tari-doona, isla markaana masuuliyiinta wasaaradaasi waxay si ku dhiirasho ah uga aqbaleen codsigaa ay u soo gudbiyeen Maayarka Caasimada Hargaysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo ku xigeenkiisa Cabdicasiis Caga-weyne.

Haddaba, warar xogogaal ah oo aanu ka helnay illo lagu kalsoon yahay, ayaa tibaaxaya in dhulkaasi looga faa’iidaystay dano gaar ah, iyada oo farta lagu fiiqay Maayar Soltelco iyo Kuxigeenkiisa oo ka dhiganaya guryo meherado ah oo ay iyagu mulkiyadooda leeyihiin. Arrintaasi ayaa niyad xumo iyo walaac hor leh ku abuurtay bulshada ku dhaqan caasimada hargaysa iyo hareereheeda. Si aan arrintaasi xogteeda u helno waxan xidhiidh la samaynay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska waxaanay noo sheegeen in aanay hadda xog rasmi ah na siin Karin ilaa iyo inta ay jawaab rasmi ah ka helayaan masuuliyiinta dawladda hoose ee hargaysa, waxaanay intaa ku dareen in ay arrintaasi dabagalkeeda iyo sida ay wax uga jiraan ku hawlan, sidaa darteed waxay xuseen in aanay ka hor dhacayn ilaa inta ay soo dhammaystirayaan xogahaasi.

Dhulkan oo ku yaala daafta waqooyi ee garoonka dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Muxumed ku wareejiyeen taariikhdu markay ahayd; 28/4/2018-ka, Maayar Caasimada Hargaysa iyo taliyaha ciidamada Dab-demiska, isla maalintaasina waxa lagu dhagax dhigay in goobtaasi laga dhisi doono xarun ciidanka dab-demisku yeelan doono, waxayse ifafaalaha iyo cadaymaha la hayaa sheegayaan in arrinku yahay “Far baa ii laaban”.

Guntii iyo gebegabadii dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxda u saraysa dalka oo uu hor kacayo Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi dedaal ugu jiraan sidii ay u soo dhicin lahaayeen hantidii dadweynaha ee hore u dhacantay taasi oo ay shakhsiyaad gaar ahi ka dhigteen hanti iyaga u gaar ah. Haddaba waxay bulshadu u dhegtaagaysa jawaabta xukuumada Muuse Biixi ka bixin doonto boobka hantida ee golaha deegaanka hargaysa ee wakhtigiisu sii dhammaanayaan ku gacayaan si ay ugu tagrifalaan hantida ummadda.

 

Mowliid Cumar Kibaar

Weriye Madax-banaan

Phone: 0634412857, Email: cabqari1979@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.