Ilhaan Cumar: Ma ahan wax la fiirsan karo xaaladda gurracan ee Yemen ee ay wadaan Sucuudiga iyo Imaaraatka

(Guuguulenews)-Ilhaan Cumar: Ma ahan wax la fiirsan karo xaaladda gurracan ee Yemen ee ay wadaan Sucuudiga iyo Imaaraatka.

Xildhibaan Ilhaan Cumar

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sheegtay in xaaladda guracan ee ay ku nool yihiin dadka Yemen ay ka dhalatay faragelinta ba’an ee ay dalkaasi ku hayaan Sucuudiga iyo Imaaraatka, qasabna ay tahay in la joojiyo.

“Waxa ka socda Yemen ee ay Sucuudi Carabiya iyo Imaaraatka horseedka u yihiin wax la fiirsan karo ma ahan. Wax aad u xaq daran waaye,”

Waxa ay sheegtay inay madaxweynaha Mareykanka ka codsadeen inuu joojiyo xiriirka dhaw ee uu labadaas dal la leeyahay amaba uu dib eego: “sababtoo ah waxyaabaha aan aaminsannahay iyo sida ay ku socoto Sucuudi Carabiya waa wax iska hor imaanaayo.”

Ilhaan Cumar waxa ay sababaysay sababta ay ugu danqatay dadka Yemen ee ay dhibaatooyinka la dageen iyadoo sheegtay inay tahay in bini’aadamnimada la tixgaliyo: “marmarka qaarkood inaan xasuusanno waaye inaan bini’aadam nahay. Haddaan xitaa Muslimnimadii ka soo tagno, bini’aadminimadeenna inaan xasuusanno waaye. In qof miskiin ah oo lagu xaqdaroonaayo inaad u danqatid waaye.”

Ilhaan waxa ay sheegtay in Koongareeska Mareykanka uu meel mariyay qaraar ku aaddan dagaalka Yemen taas oo ay doonayaan inay ku joojiyaan dhibka ka soconaya dalka Yemen.

Hasayeeshee qaraarkaas waxaa gaashaanka u daruuray madaxweyne Donald Trump kaas oo qaraarkaasi codka diimada qayaxan ku hor istaagay.

Xiriirka aadka u dhaw ee uu madaxwayne Trump la leeyahay boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah xubnaha Koongreska Mareykanka.

Haatanna Ilhaan Cumar waxa ay sheegtay inay ku tala jiraan in ay meesha ka saaraan codkaas qaxayan ee uu adeegsaday Madaxweyne Trump.

Madaxweyney Donald Trump

Ilhaan waxa ay sheegtay in aanan loo dulqaadan karin in lagu dhaqmo laba wajiilanimo: “Waddankeenna Mareykanka haddii uu ka shaqeynaayo oo uu aaminsan yahay xuquuqda aadanaha, haddii uu yahay waddan aaminsan in dad masaakiin ah inay ku dhimayaan dalka Yemen oo aan taakulo u dirno dagaalka lagu wadana qeyb kuma lahaan karno.”

Waxa ay intaasi ku dartay in taasi aanay ahayn go’aan ay Ilhaan kaligeed gaartay ee uu yahay mid ay isku raacsan yihiin inta badan xildhibaannada Aqalka Koongareeska Mareykanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.