Dowladda Soomaaliya ma furin dagaal oo horleh ayaa ku furantay?

(Guuguulenews)-Dowladda Soomaaliya ma furin dagaal oo horleh ayaa ku furantay?

.

Waxaa maalin kahor magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir ku yeeshay siyaasiyiin Soomaali ah, kuwaas oo sheegay in aysan la dhacsaneyn siyaasadda dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Siyaasiyiinta oo u badan xildhibaano iyo wasiiro hore aya ka hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga, wadahadalada Somaliland, maqaamka Muqdisho, xuquuqda shacabka iyo jahwareer siyaasadeed oo ay shegeen in uu ka taagan yahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxayna farta ku fiiqeen baahida loo qabo in dowladda ay wax ka qabato arrimahaas oo dhan.

Inkastoo iska caddahay in marwalba la hela siyaasiyiin aan la dhacsaneyn siyaasadaha dowladda markaa xilka hayso, ayaa waxa horay u dhici jirtay in magaalada Addis Ababa laga taageri jiray siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxda maammul goboleedyada ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Balse hadda waxa dadka fallanqeeya siyaasadda Soomaaliya ay ku doodayaan in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay xarun u noqotay siyaasiyiinta Soomaalida ee saluugsan dowladda hadda jirta.

“Soddonkii sano ee ugu dambeysay waxa caada noqotay in mucaaradka Soomaalida marka ay ka caroodaan dowladda inay tagaan dalalka deriska ah, waxaa ka soo xirantay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, marka wadanka keliya ee u furan oo ay kaga hadli karaan siyaasadda Soomaaliya wa Kenya”. Sidaas waxa BBC-da u sheegay Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha geeska Afrika.

.

Cabdiwahaab ayaa “agoon siyaasadeed” ku tilmaamay siyaasiyiinta, waxana uu inta raaciyay in heshiiskii isdhexgalka ee dhexmaray dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea uu meelo badan ka soo xiray siyaasiyiinta Soomaalida ee wax mucaaradi jiray.

“Wa wax ay la qabsadeen siyaasiyiinta Soomaalida in dalalka deriska ay ku shiraan oo ay wax ka cambareeyaan, waxa ugu habooneyd in gudaha dalka ay ku qabsadaan kullankooda oo wixi talo ah ee ay soo jeedinayaan ay gudaha dalka ka soo jeediyaan”, ayuu raaciyay Cabdiwahab.

Siyaasiyiinta ku shiray Nairobi ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay diidday in mucaaradku ay shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho, sidaas daraaddeedna ay ugu qabteen Nairobi.

Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galay kulankaas ayaa BBC-da u sheegay in hoteellada Muqdisho laga xannibay in lagu qabto shirar siyaasadeed.

“Waxaa waajib ah in xaqa dastuuriga ah ee qofka la eego oo hoteellada loo fasaxo ganacsiyadooda, taas ayaa sabab u ah inaan Nairobi ku qabanno shirka, eeddeedana waxaa yeelaneysa xukuumadda,” ayuu yiri Cabdifitaax.

Waxa kale oo jirta aragti kale oo ah in dowladda kenya ay wax iska baddeleen kadib markii uu soo baxay khilaaf soo kala dhexgalay dalalka Kenya iyo Soomaaliya, taaso oo salka ku heysay muranka badda, maadaama xukuumadda Nairobi ay horay u diiday kulan uu hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku qaban lahaa Nairobi, balse hadda ay u muuqato in kullankan ay raali ka tahay.

“Kenya iyadoo kamid ahayad isdhexgalka geeska Afrika ayaa haddana waxay horaan u diiday in Soomaalida mucaaradka ay ku shiraan dalkooda, hase ahaatee markii uu soo ifbaxay khilaafka labada dal waxa muuqata in wadashaqeyntii aysan soo noqonin”.sidaas waxaa yiri Cabdiqaadir Dhaqane oo ah wasiir hore.

Dhaqane ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiyiinta ay dareemayaan cabburin, taas na ay ku kaliftay inay ku shiraan dalalka deriska, maadaama horay loo weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, dowladdana looga baahan yahay dib u heshisiin dhab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.